Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 182 views

Wararka ka imaanaya deegaanka Happy Valley oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah.

Dilka loo geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku weerareen labada muwaadin goob ganacsi oo ay ka shaqeenayeen, islamarkaana ay rasaas ooda uga qaadeen.

Labada Muwaadin ee lagu dilay deegaanka Happy Valley ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras oo ahaa laba wiil oo aad u da’yar.

Booliiska dalkaasi Koonfur Afrika ayaa weerarka kadib gaaray dukaanka dilka loogu geystay dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo sidii caadada u aheyd saneeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah, inkastoo ay sheegeen iney gacanta kusoo dhigi doonaan burcadii falkaan geysatay.

Meelo badan oo ka mid ah dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta ah loogu dhibaateeya dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa doontay, kuwaas oo loo geysto dilal, dhaawacyo daran iyo boob baahsan loo geysto hantidooda

Like it? Share it!

Leave A Response