Halis Caafimaad oo ay Wajahaan Carruurta ay Waalidiintoodu Sigaarka Cabbaan

by admin | Saturday, Oct 3, 2020 | 380 views

Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa sheegtay in dadka waaweyn ee aan cabbin sigaarka balse kusoo ag barbaaray waalid cabba ay halis ugu jiraan in ay degdeg u geeriyoodaan.
Aqoonyahannada sameeyay cilmi baaristan ayaa sheegay in carruurta ay waalidiintood sigaarka ku cabbaan agtooda ay inta badan marka ay weynaadaan la kulmaan cudurro uu jirkooda kula soo qabsado yaraanta, kuwaasoo uu sabab u yahay qiiqa sigaarka ee ay neef ahaanta u qaataan.
Cudurradaas ayaa ah kuwo waxyeello baahsan gaarsiiya sambabada carruurta maadaama ay aad daciif u yihiin waqtiga ay ilmaha da’dooda yar tahay.
Saameynta uu qiiqa ku yeesho sambabada ayaa ugu dambeyn isku baddasha xanuunka Cancer-ka oo aan la daaweyn karin.
Waxaa sidoo kale waxaa ka dhasha xanuunno dhanka wadnaha ah oo mararka qaar horseeda dhimasho deg deg ah.
Cudurradaas ayaan sida caadiga ah ku dhicin carruurta haddii aysan khatarta noocaas ah la kulmin xilliga ay korayaan, sida lagu xusay daraasadda.
Khubarada ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee carruurta looga ilaalin karo khatartaas ay tahay in waalidiinta ay iska joojiyaan sigaar cabista.
Carruurta ay waalidiintood sigaarka cabaan ayaa lagu yaqaannaa in uu ku dhaco cudurka neefta, iyo in ay sambabadooda ay si fiican u shaqeyn waayaan.
Daraasaddaan ayaa muujineysa in saameynta carruurta ka soo gaarta qiiqa sigaarka ay noqoto mid waligood la socota xitaa marka ay dad waaweyn noqdaan.
Cilmi ayaa ku ogaaday in carruurta oo sigaarka lagu ag cabo ay kordhineyso labo arrimood oo kala ah tirada dhimashada iyo cudurrada ku dhaca sambabada.

Like it? Share it!

Leave A Response