Hay’adaha ammaanka oo war ka soo saaray kulanka Golaha Shacabka ee maanta{Akhriso}

by admin | Wednesday, Apr 4, 2018 | 985 views

War qoraal ah oo xalay ka soo baxay Hay’addaha Amniga Dowladda Federaalka ayaa waxaa hadlay arrimo ku saabsan sugidda amniga kulanka Baarlamaanka ee maanta.

Sida warqada ka muuqata waxaa warkan si wadajir ah u soo saaray Talisyada ciidamada Booliska, Xoogga dalka, Nabad Sugidda iyo Asluubta, waxayna kaga hadleen ilaa Saddex qodob oo quseeya kulanka Baarlamaanka.

Hay’adaha amniga ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ka dalbadeen in ay kala shaqeeyaan oo ay gacan ka siiyaan Ciidamada ammaanka sugidda amniga iyo sareynta sharciga, si howsha ay ugu qabsoionto sida saxda ah.

http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/04/

Like it? Share it!

Leave A Response