Hirshabeelle” Fatahaada Wabiga waxaa ka barakacay in ka badan 450 Kun oo Qof

by admin | Tuesday, Oct 22, 2019 | 892 views

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab  ayaa sheegtay in fatahaada Wabiga ay ka barakaceen ilaa 450 Kun oo Qaf, kuwaa ka cararaya fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Roobkii deyrta ee ugu xooga badnaa  uu ka da’ay degmooyinka Baladweyne, Jowhar Buulo-Burde iyo deegaano  kale kaa oo sababay in uu gabiyada jabsado Wabiga,

Xaalado Bani’aadannimo ayuu sheegay in ay wajahayaan dadka gaar ahaan kuwii ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne oo hadda ku sugan deegaanka Ceeljaale ee dulleedka Bari magaalada Beledweyne.

Roobabka ayaa wali ka da’aya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo dhulka sare ee Itoobiya, kuwaa oo sii kordhinaya walwalka iyo baqdinta ay dadka ka qabaan korarka fatahaada uu sameynayo Wabiga Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response