Kulamo lagu kala taageeraayo Guddiga dowladda iyo Ahlusunna oo Dhuusamareeb ka socda

by admin | Wednesday, Oct 23, 2019 | 677 views

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug Caawa oo ka bilowday kulamo kala duwan oo lagu kala taageeraayo Guddiyadda doorashada dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna ay ku dhawaaqeen.

Dadka kunool Magaalada ayaa labo qeybood noqday qeyb taageersan Guddiga doorashada Galmudug iyo kuwo taageersan guddiga ay Magacaabeen Ahlusunna.

Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirta sidii Shacabka Magaalada ay u taageeri lahaayeen Guddiga doorashada maamulka Galmudug ee ay Magacowday.

Sidoo kale Ururka Ahlusunna ayaa dhankooda doonaya in ay taageero u helaan Guddiga Farsamada iyo doorashada maamulka Galmudug.

Xaaladda Galmudug ayaa hadda taagan meel adag, waxaana labada dhinac ay isku dul wadaan labo Guddiga oo sababi kara in Galmudug ay yeelato Labo Madaxweyne iyo labo baarlamaan.

Like it? Share it!

Leave A Response