HirShabelle Oo Isbadel Ballaaran Sameysay {Afhayeenkii G/Hiiraan Oo Xil Culus Helay

by admin | Thursday, Aug 16, 2018 | 1075 views

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa xilka qaadis iyo Xil Magacaabis ku sameeyey Mas’uuliyiin Katirsanaa Maamulada Qaar Degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Xubnaha Xilalka Waayey Waxaa ku jira Gudoomiyihii Degmada Maxaas Fiidoow iyadoo sidoo kale Maamulkii Maaliyada Degmada B/weyne La ceeriyey.

Sidaas si la mid ah waxa la sheegay in Xilal loo magacaabay Siyaasiyiin Caan ka ah Gobolka Hiiraan oo qaarkood Xilal kale ku magacaabnaayeen.

Gudoomiye Kuxigeenka dhinaca Siyaasada Ee Maxaas waxaa laga dhigay Maxamed Nuur Caga Joof oo ahaa Afhayeenkii Gobolka Hiiraan.

Waxaa soo baxaya durba diidmo iyo ka hor imaanshiyo Wareegtadaasi ay sameeyeen Qaarkood Xubnaha Xilalka laga qaaday.

Xoghayaha Gobolka Hiiraan Cabdulle Kacaan ayaa warbaahinta u akhriyey Magacyada Shakhsiyaadka Xilalka laga qaaday iyo kuwa la magacaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response