Howlgallo laga sameeyay degaano u dhow Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Monday, Feb 21, 2022 | 457 views

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya Qeybta Galmudug ayaa howgallo qorsheysan oo Amniga lagu xaqiijinayo waxaa ay ka sameeyeen degaano kuyaalla Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka niicyadiisa kala duwan ayaa sigaar ah howlgalka uga sameeyay Wadada u dhaxeysa degaanka Ceeldheere iyo Magaalads  Dhuusamareeb, halkaas oo mararka qaar lagu arko dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka NISA ee Galmudug ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sugitaanka Amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo weerarada ay mrarka qar geystaan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga xaqiijinayo Amniga wadada xiriirisa Magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wadadaas oo kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan degaannada Galmudug.

Howlgalkaan Ciidamada Nabadsugida qeybta Galmudug ay ka sameeyeen degaano u dhow Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xilli Dhuusamareeb ay kamid tahay Goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response