In ka badan 500 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku geeriyooday duqayn Israel ay ka geysatay isbitaal kuyaala Gaza

by admin | Wednesday, Oct 18, 2023 | 93 views

In ka badan 500 oo qof ayaa lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen cisbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza Talaadadii xalay.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya meydadka oo daadsan hareeraha isbitaalka.

Sida uu sheegay wariye ka tirsan Anadolu, kumannaan Falastiiniyiin ah ayaa ku sugnaa isbitaalka markii dhismaha la duqeeyay.

Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Ruushka ayaa codsaday kulan degdeg ah oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeesho, ka dib markii duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza ee go’doonsan ay ku garaacday isbitaal, halkaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof.

“Imaaraatka Carabta iyo Ruushka waxay ku baaqeen kulan deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho xaaladda Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Falastiin, ka dib duqayntii isbitaalka Gaza,” afhayeenka howlgalka Qaramada Midoobay ee Imaaraadka, Sgagad Matar ayaa hadalkaasi ku qoray bartiisa X.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee lagu qaaday Isbitaalka Al-Ahli ee Gaza kaasoo ay ku dhinteen boqolaal qof.

“Waxaan aad uga argagaxay dilka boqolaal Falastiiniyiin ah oo rayid ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaala Gaza, taasoo aan si adag u cambaareynayo,” ayuu yiri Gutters.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Gaza ay degen yihiin Falastiiniyiinta, ka dib 11 maalmood oo xiriir ah oo ay diyaaradaha Israel duqayn ka wadaan magaalada Gaza.

Like it? Share it!

Leave A Response