Iran oo digniin adag u dirtay boqortooyada Sacuudiga

by admin | Thursday, Nov 10, 2022 | 293 views

Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

“Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto,” ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sirdoonka ee Iran.

“Haddii Iran ay go’aansato inay ka aargoosato oo ay ciqaabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa dumi doona, dalalkani ma heli doonaan xasillooni dambe.” ayuu yiri Khatiib.

Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay ‘cadaw ajaanib ah’ inay hurinayaan qalalaasaha rabshadaha wata tan iyo markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haweenay Kurdish ah oo Iran u dhalatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini bishii Sebtembar kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee jamhuuriyadda islaamiga ah ay kusoo rogtay haweenka.

Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka reer Iran ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa noqday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha hoggaamiyayaasha wadaaddada Iran tan iyo sannadkii 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa.

Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Salami ayaa uga digay Sacuudiga inay xakameyso xarumaha warbaahinta.

Like it? Share it!

Leave A Response