Galmudug & Puntland oo burburiyay Barkado iyo Guryo lagu dagaalamay

by admin | Thursday, Nov 10, 2022 | 251 views

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Xuseen Bukhaari ayaa safar shaqo ku gaaray degaannada Laama ariboob iyo Saaxo-qurun ee Gobolka Mudug.

Safarkan oo salka ku haya ilaalinta Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolka Mudug ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyayaasha Qaybaha Booliska ee Gobolka Mudug Galmudug iyo Puntland, Taliyaha Ciidanka Isku-dhafka ee Gobolka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galdogob, Odoyaasha iyo Nabadoonada Gobolka.

Safarkaan ayaa ahaa mid lagu kormeeray Inta udhaxaysa degaannada Saaxo-qurun iyo Laamo-Ariboob halkaas oo dad reer guuraa ah ay ka dhisteen Barkad iyo Qol, dhulka inta u dhaxaysa labada degaan ayaa si wadajira horay looga soo saaray go’aano lagu mamnuucayo in Dhul xirmaysi iyo Dhul degaamaysi laga sameeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa sheegay in Shir saacado qaatay oo oo u socday Wafdiga iyo Dadka Deegaanka ay ugu danbayn Masuuliyiintu ka soo saareen Go’aan ah in mudo 3 Cisho gudaheed lagu Bur-buriyo Barkada iyo Qolkaas Dibna aan looga dhisi karin lana ogolayn, isla markaana masuuliyada fulinta Xukunka loo xil saaray Maamulka Galmudug ee heer Gobol.

Dhowr jeer oo hore ayaa laba maleeshiyo Beeleed waxaa ay ku dagaalameen dhul kuyaalla degaannada Laama ariboob iyo Saaxo-qurun ee Gobolka Mudug, waxana Puntland iyo Galmudug ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in markale aysan soo laaban dagaaladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response