Isbaarooyin laga qaaday duleedka Beledweyne

by admin | Saturday, Aug 25, 2018 | 1057 views

Ciidamada amaanka Gobolka Hiiraan ayaa saaka howlgal ka sameeyay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah Ciidamada xasilinta ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay saaka bur buriyeen ilaa saddex isbaaro oo kala yaallay Degaannada kala ah Burjada Ciinta,Galbarwaaqo iyo Fiilo Guduud.

Carab,waxaa uu sheegay in ay kooxaha Isbaaraleyda ah ka furteen 11 Gaadiidka Xamuulka ah oo ay heysteen.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka Beledweyne ay ka hortagayaan kuwa isbaarada dhigta islamarkaana ay sharciga ku wareejinayaan dadka ay qabtaan.

Carab,ayaa waxaa uu dadka Magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda deggan  ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada howlgalka saaka billaabay ay sii wadayaan ilaa Gobolka Hiiraan laga waayo isbaaro oo dhan sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response