Israsaasayn ka socota Muqdisho

by admin | Tuesday, Dec 18, 2018 | 746 views

Israsaaseyn culus ayaa ka socota Isgoyska Tarabunka ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ganacsade ku sugan goob ganacsi ku taalla Agagaarka Tarabuunka ayaa Risaala u sheegay in ay dagaallamayaan Ciidamo hubeysan.

Ciidanka dagaallamaya ayaa qaarkood waxa ay yihiin ciidanka Booliska ee ku sugnaa Isgoyska ,haddana lama xaqiijinkaro waxyaabaha dagaalka keenay.

Lama ogga Kooxda hubeysan ee la dagaallameysaa Ciidanka Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Tarabuunka

Like it? Share it!

Leave A Response