Jubbaland oo War Cusub kasoo saartey xaalada gobolka Gedo

by admin | Friday, Mar 27, 2020 | 432 views

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka Somaaliya ay kuso duushay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,isla markaana dadkii deganaa ay barakaceen.

Kulan gaar ah oo ay ka yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland Arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay uga hadleen Ciidamada ay dowladda geysaya Gobolka Gedo iyo saameynta ka dhalatay,iyaga oo eedeyn u jeediyey dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in badi dadkii ku noolaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,sida Beled-Xaawo iyo dooloow ay barakaceen,isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay heystaan.

Waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in xiligaan Dhalinyaro Soomaalia ah ay difaac usugu jiraan meelo kamid ah Soomaaliya,waxaana ay sheegeen in cawaaqib xumada ka dhalata ay qaadayaan Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response