Qofkii Saddexaad ee qaba Cudurka Coronovirus oo laga helay Muqdisho

by admin | Friday, Mar 27, 2020 | 450 views

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisey in qofkii Saddexaad ee qaba Cudurka Coronavirus laga helay magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya oo ka qeyb-galeysay Barnaamij ka baxayay Tv-ga Dowladda ayaa sheegtay in shalay gelinkii dambe lagu soo wargeliyey in Qof Ajnabi ah oo qaba Cudurka Coronavirus laga helay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey in qofka Ajnabiga ah laga helay Calaamada Cudurka,isla markaana haatan lagu karantiilayo Gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Wasiir Fowsiya ayaa faah faahin ka bixisey laba Muwaadin oo Soomaali ah oo horey Cudurkaas looga helay,kuwaas oo ka kala yimid wadamada Shiinaha iyo Talyaaniga,waxaana ay sheegtay in dalka uusan oolin qalabka wax lagu baaro,hayeeshee dibada ay u diraan qofka laga shakiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response