Jubbaland: Waa qorshe aan laga fiirsan in ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan

by admin | Wednesday, Jul 5, 2023 | 95 views

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS, iyagoo ku tilmaamay qorshe aan horey looga fiirsan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siinayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in Alshabaab ay fursad weyn ka helayaan bannaynta saldhigyada ciidamada ATMIS.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay inay khatar amni wajahayaan dadka shacabka ah ee ku tiirsanaa amniga ciidamada ATMIS, isagoo sheegay inay Alshabaab ku dhaqaaqayaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday.

“In la hakiyo ayay ahayd. Marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen. Laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay, ciidamada Jubbalad iyo kuwa Dowladda federalka in aysan diyaar u ahayn xilligan in ay la wareegaan saldhigyada ay baneeyaan ciidamada ATMIS. Sidaas oo ay tahay wuxuu tilmaamay inay ku qasban yihiin inay isku dayaan inay maareeyaan amniga Jubbaland.

Jubbaland waxaa ku sugan ciidamada Kenya, kuwaas oo inta badan ka howlgala gobolka Jubadda hoose. sidoo kale ciidamada Ethiopia ayaa iyaguna ku sugan gobolka Gedo. Dhawaan, ciidamada Kenya ayaa maamulka Jubbaland ku wareejiyay labo saldhig oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response