Sheekada Haweeneyda hab siisa geedaha si ay uga bogsato walbahaarka nolosha!

by admin | Wednesday, Jul 5, 2023 | 150 views

Haweeney Shanghai u dhalatay ayaa dhawaan qabsatay hadalheynta dalkeeda Shiinaha kaddib markii la arkay iyada oo ku dhegan ama hab siinaysa geedaha – waana tallaab ay sheegtay inay u sameyso si ay nabad, farxad iyo xasilooni uga hesho dabeecadda siiba geedaha.

Qishishiqi ayaa sheegtay inay habsiinta geedaha ay soo bilowday bishii April ee sannadkan – iyada oo seygeeda la joogta bartamaha magaalada. Waxay sheegtay in – iyada oo dareemeysa waxoogaa ciriiri ah – ay doontay bal inay habsiiso geedaha magaalada isla markaana ay dareentay dareen togan oo nashaad leh. Buuq iyo wareer badan oo ka heystay dhanka shaqada ayay sheegtay inay kaga bogsatay habsiinta geedaha.

Taniyo markaasna waxay tilmaantay inay doorbiday inta kale inay la ogaadaan muhiimadda arrintan ku jirta si ay uga faa’iideystaan.

Qishishiqi intaas kuma sii ekaan ee waxay u baxday keymaha ama duurka si ay hab u siiso kumaankun geedo ah, waxay hoosta ka xariiqday inay dareento mararka qaar sida in geeduhu iyada hab siinayaan oo ay ku dhegan yihiin.

Waxay tiri: “kama helin dadka habsiintooda dareen togan, laakiin geedaha waxay ii yihiin dhageysatayaal fiican oo marnaba aan hadal isiineynin.”

Dr. Stone Kraushaar, oo ku gaaroobay cilmiga seykoolojiga ayaa sheegay in habsiinta qof insaan ah muddo 21 ilbiriqsi ah laga qaado xasilooni iyo deganaan. Laakiin weli si toos looma qaadaa-dhigin faa’iidada laga heli karo hab in la siiyo geedaha.

Like it? Share it!

Leave A Response