Xildhibaan weji kale u yeelay xiisadda beeshiisa kala dhaxeysa Guudlaawe

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 80 views

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa su’aal ka keenay sababta mar kasta xilka looga qaado guddoomiye kasta oo gobolka Hiiraan soo mara.

Xildhibaan ayaa tusaale u soo qaatay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Faal oo sida uu sheegay xilkaas haya muddo dheer, isla markaana aan laga qaadin.

“Ilaa maalintaan dalkaan imid guddoomiyaha Shabeellada Dhexe waa joogay, maxaa keenay in mar kasta la soo saaro warqad xilka looga qaadayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan?” ayuu yiri Maalik Cabdalla.

Xildhibaanka ayaa sheegay in HirShabeelle aysan wax adeeg ah siin dadka reer Hiiraan, taas bedelkeedna madaxa laga jaray hoggaamiyihii u soo baxay ee gobolka ka xoreeyey Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku sii daray, in Cali Jeyte ay ka go’need inuu sii baacsado kooxda oo inta hartay uu ka saaro, balse taas aysan rebin madaxda hoggaamisa HirShabeelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga waxaan aragnaa in ninkii Shabaab la dagaalamay oo sii eryanaya feylaha la jaray oo Soomaalinimadii la taabtay, iyadoo Shabaab la garab siinaayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdimaalik.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ku goodiyey in magacaabista HirShabeelle aysan ka shaqey doonin gobolka Hiiraan, “Runta hadaan idiin sheego maba arkin meel HirShabeelle ka shaqeyso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka uu metelo ee Hiiraan dega waxa dantooda ah uu ku hoggaami doonin, “HirShabeelle waxaba kama qabato Hiiraan dadkaas isbaaro, qabiil iyo in Shabaab loo duleeyo ayaa lagu hoggaamiyaa, laakiin ma yeeleyno markaan in Shabaab nalo duleeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda HirShabeelle uu dhowr jeer uga digay inay iska dhaafaan warqadahaan ay soo tuurayeen ee xil ka qaadisata ah, isla markaana uu kula taliyey inay hubka qaataan oo dagaalka Al-Shabaab ay dadka ku hoggaamiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response