Xiisadda Somaliland oo kasii dareysa iyo mucaaradka oo digniin culus u diray…

by admin | Thursday, Jul 6, 2023 | 125 views

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Somaliland ayaa kasii dareysa, iyada oo mucaaradka uu digniin culus kasoo saaray kala horeynta doorashooyinka Somaliland.

Xiisadda doorashooyinka ayaa markale cirka isku sii shareertay kadib markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland uu Maxkamadda Sare ka dalbaday in go’aan ka gaadho doorashada soo horeynaysa ee Madaxtooyada iyo midda ururrada.

Guddiga ayaa ka codsaday maxkamadda sare in tafsiir rasmi ah ay ka bixiyaan tan xaqa u leh inay soo horeyso labada doorasho ee isku hayaan xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka.

Xisbiyada mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xiisadda taagan ayaa soo jeediyay in xalka keliya ee lagaga bixi karaa uu yahay doorashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dhammaan daneeyayaashu.

“Awoodda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorashooyinka sida xeerarka dalka iyo Dastuurku jideynayaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Qaraarkii hore ee Maxkamadda sare ee sannadkii hore ayaa sabab u ahaa khilaafka doorashooyinka ee daba dheeraaday ee maanta dalka ka taagan.”

Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu maxkamadda sare uga digay in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

“Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasi, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’uulyadeedana uu qaadi doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare!.”

Like it? Share it!

Leave A Response