Kalluumeysatada Kenya oo ka baroortay Fashilka ku yimid dowladooda ee dacwadda badda

by admin | Tuesday, Mar 16, 2021 | 298 views

Kalluumeysatada Kenya ayaa Isniintii ka mudaaharaaday cabsida ay ka qabaan in ay waayaan dhaqaalahooda ka dib markii ku fashilantay Kenya muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya
Dhegeysiga dacwadda toddobada sano jirsatay ee ay keentay Soomaaliya ayaa laga bilaabay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague, iyadoo Kenya ay diiday inay ka qaybgasho.

60 kaluumeysato Kenyaan ah ayaa kumanaan mayl isugu soo ururay jasiirada Lamu, iyagoo rajeynaya inay soo bandhigaan cabashooda kana codsadaan maxkamada iyo dowladaha inaysan ilaawin oo noloshooda ay ku xiran tahay badda lagu muransan yahay.
“Dowladuhu waxay diiradda saarayaan danaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska oo keeni kara dakhliga dowladda. Laakiin anaga nooma jeedaan xaalad halis ayaan wajaheynaaa” ayuu yiri Adam Lali Kombo oo ka mid ah Kalluumeysada.
Kaluumeysatada mudaharaadayay ayaa soo xirtay funaanado ay ku qornaayeen halku dhig ah “Badbaadinta Lamu Biyaha”, waxaana ay dulsaarnaayeen doonyo.
Waxay ka walwalsan yihiin inay waayaan marinka biyaha badan ee waqooyiga ka xiga magaalada Kiunga, oo xigta xadka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response