Kenya oo xoogga saartay adkaynta amniga Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

by admin | Wednesday, Mar 6, 2024 | 59 views

Ciidamada Ammaanka ee Dalka Kenya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga Xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada ay gaysan karaan ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan laamaha amniga waddankaas.

Ciidamo isugu jira Booliis & Militari ayaa iska kaashanayaa howlgallada lagu sugayo Amniga waxana ay kordhiyeen roondada ay ku samaynayaan deegaannada inta badan horay looga diiwaangeliyay falalka ammaanka liddiga ku ah.

Mas’uuliyiinta maamullada howlgallada ka socdaan ayaa Dadka deegaanka u sheegay in loo baahan yahay in ay kordhiyaan la shaqaynta ciidamada amniga sugaya si loo xoojiyo xasiloonida ka jirta Deegaankooda.

Ciidamada Kenya ayaa dhowaan xiray ajaanib ay ku eedeeyeen in ay ku biirayeen ‘AS’ kuwaas oo ka tallaabayay soohdinta waxaana ku socda Baaris lagu samaynayo si loo ogaado xogaha kale ee qarsoon sida hadalka loo dhigay.

Goobo lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka la socda ayay Ciidamo ka samaysteen deegaanno aanay horay loogu aqoon waana mid kamid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo dhinaca Amniga sida ay sheegeen saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response