Dad ku dhintay laba diyaaradood oo isku dhacay magaalada Nairobi

by admin | Wednesday, Mar 6, 2024 | 40 views

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku dhintay arday duuliye ah iyo tababarihiisa kadib markii diyaarad ay la socdeen ay ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay magaalada Nairobi.

Diyaaradda oo uu lahaa Iskuul Duullimaad, ayaa markaasi ku burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen labada qof.

Diyaaradda rakaabka ee Safarilink ayaa dib ugu laabatay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi oo ay kala duushay 44 qof.

39-ka rakaabka ah iyo 5-ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa dhamaantood aan waxba gaarin, sida ay sheegtay diyaaradda.

Diyaaradda oo ku sii jeedday Diani oo ku taal xeebta Kenya, ayaa la sheegay in ay “la kulantay jug weyn wax yar ka dib markii ay kacday”.

Diyaarada Cessna oo uu maamulo iskuulka duulimaadyada ee Ninety Nine ayaa ku burburtay beerta xaywaanada oo qiyaastii 10km (lix mayl) u jirta garoonka.

Hay’adda duulista rayidka ee Kenya (KCAA) ayaa sheegtay in shilku uu dhacay abaare 10:05 xilliga maxalliga ah Talaadadii maanta.

Waaxdeeda shilalka hawada iyo bilaysku waxay bilaabeen baadhitaan ku saabsan sababta shilka, ayay tidhi.

Like it? Share it!

Leave A Response