Malleyshiyaad hubaysan oo Jid-gooyo dhigtay Kontoroolkii hore ee Boosaaso.

by admin | Tuesday, Mar 5, 2024 | 39 views

Malleyshiyaad hubaysan ayaa lagu soo warramayaa inay jid-gooyo ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland, gaar ahaan Koontroolkii hore ee Magaalada.

Wararka naga soo gaaraya Boosaaso ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay islamarkaana qaarkood kala dageen raashin iyo agab kale, sida ay sheegayaan wararka aynu heleyno.

Dadka shacabka ah ee waddadaasi isticmaala ayay dhibaateeyeen kooxdaasi, waxaana ugu dambeyntii la sheeegay inay ku baxeen Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Boosaaso.

Ciidamada ammaanka ee halkaasi gaaray ayaa lagu soo warramayaa inay ku guulaysteen kala cayrinta kooxdaasi jid-galka ku sameynayay dadka shacabka ah.

Malleyshiyaadkaasi hubaysan ayaa la sheegay inay maalmihii lasoo dhaafay dhibaato ku hayeen gaadiidka kala duwan, waxaana markii danbe ku baxay goobta Ciidanak ammaanka Magaalada Boosaaso.

Weli lama aqoonsan cidda ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadkaasi waxaase la sheegay in ay u carareen dhinaca buuraha ah.

Like it? Share it!

Leave A Response