Khayre oo faray inay labo arrin sameeyaan guddiga xakameynta Covid-19

by admin | Sunday, May 3, 2020 | 509 views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyey shirka guddiga xakameynta cudurka faafa ee Covid-19, kaas oo habeen weliba la qabto.

Kulanka ayaa intii uu socda waxaa looga hadlay sida ay u socdaan dadaallada lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ku aadan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo fataahadaha ay sameeyeen wabiyada.

Khayre ayaa faray xubnaha guddiga in la’isku dhinac wado xakameynta cudurka Covid-19 iyo gurmadka la gaarsiinayo walaalaha Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa amray in la dadajiyo dadaalada loogu gurmanayo dadka taabaaleysan, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga Covid19, oo lagu go’aamiyay in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda dhexe ay Puntland gaarsiisay gurmad loogu talagalay qoysaskii ay saameeyeen daadadkii magaalada Qardho ee maamulkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response