Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka Banaadir oo xoogeystay

by admin | Tuesday, Nov 9, 2021 | 265 views

Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka Banaadir oo xoogeystay

Waxaa sii  xoogeysanaya kbilaafka dhanka awooda ah ee u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish).

Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka ayaa waxaa loogu jawaabay Wasaaradda Waxbarashada oo shalay sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka joojiyeen lacagaha ay ka qaadaan Iskuulada kuyaal Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu maamulo waxbarashada Gobolka sida ku xusan heshiiska dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada & Maamulka Gobolka, kaas oo la saxiixay 9-kii Bishii Agoosto 2020 oo ay goob joog ka ahaayeen Garyqaanka Guud ee Dawladda, Sii-hayihii xillka Ra’isul Wasaaraha, hey’adaha kale ee heer Fedaraal & kuwa Maamulka Gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee Waxbarashada Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada ay jebisay Dastuurka dalka,  isla markaana faragelin toos ah ku heyso nidaamka adeeg daadejinta.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay faragelin toos ah ku heyso Waxbarashada Gobolka, isla markaana ay jebiyeen Dastuurka dalka.

” Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu aad uga xunyahay sida ay Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka u hareermarsantahay una jabiso mar walba dastuurka dalka, shuruucda iyo ku dhaqanka hishisyada khuseeya adeegyada Waxbarashada ee kala dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyadoo mar walba FARAGALIN TABAN ku heyso maamulka waxbarashada Gooblka Banaadir kaliya
taasoo ka soo horjeedo nidaamka adeeg daadajinta, kala saarista awoodaha hey’adaha heer Fedaraal iyo heer maamul Goboleed iyo sidoo kale nidaamka Fadaraalaynta dalka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale yiri” Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka xaq iyo sharci mid-na uma lahan in uu baabi’iyo ama uu diido go’aankii ku saabsanaa soo saarista TARIIFADA adeegyada Waxbarashada kaas uu si rasmi ah u soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo isaga sharciyada dalka awood u
siinayaan in uu soo saari karo xeerar maamul sida uu qabo sharciga Ir 6 ee soo baxay 1980 kii iyo sidoo kale sharciga Ir 116 ee soo baxay 2013 ki.
Waxaa nasiib darro weyn iyo dib u dhac ah in Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Fedaraalka ay isaga dhex darantahay raadinta iyo ilaalinta
danahiisa gaarka ah ee ku dhisan FIKIRKA FAAIDO DOONKA ee u adeegga shakhsiga taas oo cuuryaaminaysa danta guud gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka Gobolka Banaadir.
Waxaa uu Maamulka Gobolka Banaadir aad uga xunyahay in Wasirka Wasaaradda Waxbarashada Fadaraalka ee xilligaani uu caadeestay jabinta iyo ku tumashada hishiiskii maamulidda waxbarashada ee u dhaxeeyay Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda isagoo ka leh dano gaar ah oo faa’ido doon ah.

Ugu dambeyn Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu xiriir wanaagsan la leeyahay dhammaan hey’adaha kala duwan ee waxbarashada ka shaqeeya uuna mar walba
diyaar u yahay kala shaqaynta arrimaha horumarinta waxbarashada iyo ka jawaabista wixii tabashooyin ah ee ka dhasha go’aanada maamuleed ee uu soo saaro Maamulka Gobolka Banaadir.

” Laga soo bilaabo Aug 2020 kii ee uu Maamulka Gobolka Banaadir si rasmi ah ula
wareegay maamulka Waxbarashada Gobolka waxa uu ku hawlanaa in Carruurta
ku nool Gobolka Banaadir ay helaan waxbarasho tayo leh, deeqaha waxbarasho oo ay xaqa u leeyihiin iyo in ay mar walba helaan maamul u dooda isla markaana ilaaliya xaqooda waxbarasho iyo horumarineed si la mid ah carruurta kale ee
dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response