Mas’uul ka tirsan Maamulka G/ Banaadir oo sheegay in uu dil qorsheysan ka badbaaday

by admin | Tuesday, Nov 9, 2021 | 232 views

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe  Cabdi ayaa sheegay in Maanta weerar qorsheysan lagu qaaday xilli uu ku wajahnaa Xarunta Maamulka degmada, isla markaana uu ka badbaaday weerarkaas.

Shir jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Degmada Wadajir ayaa waxaa uu sheegay xilli uu u dhowaa goobtiisa Shaqada ee Xarunta degmada Gaariga uu watay lagu horgooyay Gaari kale kadibna ay rasaas huwiyeen.

Weerarkaas ayuu sheegay inay ka dambeeyeen Xubno kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana la aqoonsaday rag kamid ah kuwa weerarka geystay oo, iyaga oo dhaawac ah la qabtay.

” Ma moodeen Maanta ka sokow inaan cadow labaad leeyahay, balse waxaa ii cadaatay in cadowgii uu ka dhex billowday dowladda dhexdeeda oo dadkii aan isku cadowga aheyn aan wadashaqeyneynay ay is beegsanayaan ayuu yiri” Ciise Shiraawe.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe waxaa uu ugu baaqay laamaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan weerarka lagu qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response