Laascaanood “Goobo ganacsi oo la amray in la burburiyo iyo walaaca laga muujiyay

by admin | Saturday, Aug 31, 2019 | 553 views

Meheradahan oo ku teedsan jidka weyn ee laamiga ayaa maciishadoodu ku xidhan tahay dad badan oo danyar ah.

Dawlada Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa wada sidii ay u samayn lahaayeen noolaynta Bilicda magaalada iyo diyaarinta dhuldegaameedka banaanka magaalada Laascaanood.

Goobaha sida aadka ah ay saamaynta ugu yeelanayso ayaa ah bariga iyo waqooyiga magaalada oo ah haatan suuqyada ugu camiran marka laga reebo ka farasmagaalaha.
Qaar ka mid ah dadka meheradahaas leh ayaa dadaal ugu jira sidii waqti ku filan loo siin lahaa.
“24 saac miyay tahay maquul, xitaa alaabta hoostaal ayaan lagu rari karin, waxaana u malaynayaa in la banaysanayo burburinta hantidayada” sidaana waxaa yidhi Cismaan Maxamuud oo meherad ku haysta bariga magaalada Laascaanood.
Masuuliyiinta dawlada hoose oo aan isku daynay in aan waxka weydiino sababta degdega ah waa ay suuroobi weydey iyadoo maanta ay fasax ahaayeen goobaha shaqada sanadka cusub ee Hijriyada dartii.
Fikiro kala duwan ayaa dadku qabaan iyadoo hadana ay ka midaysan yihiin jaaniska dadka la siinayo in aanu ahayn mid macquul ah.
Like it? Share it!

Leave A Response