Laftagareen oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

by admin | Monday, Sep 25, 2023 | 95 views

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka Madaxweyne iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray Xoojinta wada shaqaynta Safaarada Sweden iyo maamul gobaleedka Koonfur Galbeed.

Sidll kale kulan ayaa labada mas’uul waxa uga wada hadleen Taageerida Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Xoojinta Mashaariicda Hormarineed ee Dowladda Sweden ka taageereyso Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa Madaxweybe Cabdicasiis Laftagareen ku wehlinayeen Wasiiro ka tirsan dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Agaasimiyaal.

Like it? Share it!

Leave A Response