Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Jaaliyadda Soomaaliyeed Minnesota uga warbixiyay Xaaladda Dalka.

by admin | Monday, Sep 25, 2023 | 104 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga

Like it? Share it!

Leave A Response