Maamulka G/ Gedo oo sheegay inay u diyaar garoobeen doorashada

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 275 views

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada 16 kursi Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Buulle Maxamed Gareed ayaa sheegay in ka maamul ahaan u diyaar garoobeen doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in amniga degmada Garbahaareey oo ah halka lagu qabanayo doorashada siweyn loo adkeeyay, isla markaana ay iska kaashanayaan Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay diyaariyeen halkii lagu qaabili lahaa Musharixiinta Golaha Shacabka, Ergada wax dooraneysa iyo cid kasta oo door ku leh doorashada.

Warkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu Magacaaban dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Buulle Maxamed Gareed ayaa kusoo aadaya xilli Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland, isla markaana qaban qaabin lahaa doorashada uusan weli tegin degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response