Qoor Qoor oo shaaciyay inay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada ay ka joogaan Galmudug

by admin | Monday, Nov 8, 2021 | 226 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay caqabad ka heysato in Maamul dowladnimo uu gaarsiiyo degaannada ay Maamulaan Al-Shabaab, balse taasi laga gudbi doono.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay gacanta ku heeyso degaano badan oo ay kaga duwan tahay Maamulada kale ee dalka kajira, kuwaas oo uu sheegay inay u sameyn doonaan Golle degaan oo dadkooda ay iyaga soo doortaan, si Bulshadu u helaan nidaam iyo in waxqabad loo muujiyo.

Madaxweyne Qoor Qoor waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qorshahooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay ka joogaan Galmudug, si ay u gaarsiiyaan Bulshafa nidaamka dowladnimo ee Galmudug.

Ugu dambeyn Madaxerynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku amray dhamaan Hay’adaha Xukuumadda Galmudug inay si deg deg ah uga howlgalaan degaannada xorta ah ee Maamulka Galmudug.

Dhowr jeer ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa uu shaaciyay inay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaan, hayeeshee taas bedelkeeda degaano ay markii hore ku sugnaayeen Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug ay la wareegeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response