Maamulka la magac baxay Hiiraan State oo sheegay in aysan ogolaan doonin in Beledweyne uu ka Shaqeeyo guddoomiyaha cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle.

by admin | Monday, Mar 25, 2024 | 33 views

Maamulka la magac baxay Hiiraan State ee dhawaan dagaalka kula wareegay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Magaalada Beledweyne uu ka Shaqeeyo guddoomiyaha cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle u Magacaabay gobolka Hiiraan ee Muuse Salaad Wehliye.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ugu Magacaaban Maamulka Hiiraan State Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa sheegay in cir iyo dhul ay ka xireen Magaalada Beledweyne, isla markaana cid katirsan Hir-Shabeelle oo soo geli karta aysan jirin.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dhawaan dagaal u dhexeeyay ciidamo  taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State oo ku sugan gudaha Baladweyne.

waxaana uu ka bilowday dagaalka  gudaha xerada lamagalaay oo ay dhawaan banneeyeen ciidamada Jabuuti ee ka tirsan hawgalka ATMIS.

Dagaalka ayaa ka bilowday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin oo muddo loo diidanaa in uu kasoo dego garoonka magaalada Beledweyne kaas oo markii dambe dhulka soo maray isaga oo doonayay ‘in uu xoog ku tago xarunta maamulka .

Hiiraan State ayaa intii muddo ahba ahayd magac ay isticmaalayeen saraakiil iyo siyaasiyiin deegaanka ah oo aad u saluugsanaa nidaamka madaxweynaha Dawladgoboleedka Hirshabeelle, ee madaxweynaha ka yahay Cali Guud-laawe.

Saluugaas ayaa salka ku hayay inta badan awood qaybsiga maamul ee ka jira gobolka hiiraan.

Laba ka mid ah siyaasiyiintii aadka ugu ololeeyay magacaan ayaa waxaa ay kala yihiin Janaraal Xuud iyo Cali Jeyte, oo ah gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Balse labadooduba waxaa ay markii dambe aqbaleen waanwaan ay sameysay dawladda federaalka Soomaaliya.

Bishii Oktoober 2023 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa u magacaabay Cali Jeyte Cismaan in uu noqdo u qaabilsanaha madaxweynaha ee arrimaha Ciidamada Difaaca Dadweynaha ee Macawiisleyda, xilkaas oo uu Cali aqbalay ayuu sheegay haddana in uu san ka tanaasulin qadiyadda Hiiraan State.

Labo qof ayaa hadda kala sheegata in ay yahiin madaxweynaha Hiiraan State, Cabdiqaadir Xuseen Coloow (Xiirane) oo qurbaha kasoo noqday iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) oo labaduba ay isku beelyahiin ayaa hadda labaduba sheegtaan xilka madaxweynenimo ee Hiiraan State.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ugu Magacaaban Maamulka Hiiraan State Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa sidoo kale  ugu baaqay Shacabka magaalada Beledweyne inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaado Ururka Al-Shabaab, wuxuuna ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Maamulka Cusub ee loo soo Magacaabay Gobolka Hiiraan.
Dadka shacabka ah ee ku nool magaalada baladweyn ayaa walwal ka qaba waxa xaalku ku dambeyn doono, iyaga oo marar badan goobjoog ka noqday dagaal ka dul dhacay, xilli aysan u diyaar garoobin.

Like it? Share it!

Leave A Response