Madaafiic khasaaro geystay oo ku dhacay Xaafado katirsan Muqdisho

by admin | Thursday, Jun 9, 2022 | 257 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan tiro madaafiic ah oo xalay abbaara 2:00 habeenimoku dhacay Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madaafiicda ay geysteen khasaaro dhimasho & dhaawac ah, iyada oo  laamaha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho, wax faahfaahin ah bixinin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista Maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.

Like it? Share it!

Leave A Response