Musaabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta dhaceysa

by admin | Thursday, Jun 9, 2022 | 519 views

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in terndhada Afiisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu caleema-saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022.

Ammaanka Guud ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyada oo Magaalada la saaray bandow kasoo billaawday xalay abaara 100: 00 Habeenimo kuna eg 5:00 Galabnimo ee Maanta.

Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Heer Caalami ah oo ay kamid yihiin , Madaxweynayaasha Kenya, Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Wufuud ka kala socota dalalka, Masar, Cumaan, Koonfurta Suudaan, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya & Madaxda Shanta dowlad Goboleed.

Munaasabadda Caleema-saarka ayaa waxaa la filayaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan Madaxda Heer Caalami ee  lagu casuumay, Madaxda dowlad Goboleedyada & Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Muqdisho iyo degaannada u dhow dhow ayaa siweyn looga dareemay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo laga sugayo in Caleema-saarka kadib uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare si loo guda galo Shaqooyinka dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response