Madaxda sare ee Dowladda Federaalka oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotel SYL

by admin | Saturday, Mar 16, 2024 | 56 views

Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii isla socday ee ‘AS’ ku qaadday Hotel SYL Magaalada Muqdisho ayaa caafimaad u rajeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa u tagay dadka ku dhaawacmay weerarkaas ka dhacay Hotel SYL.

May be an image of 5 people, dais and hospital

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bukaannadaan u rajeeyay caafimaad degdeg ah in uu alle siiyo waxaana uu warbixin ka dhagaystay Dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka Erdogan (Digfeer) ee lagu dawaynayo.

May be an image of 4 people, dais, hospital and text

Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa caafimaad dhammaystiran u rajeeyay mas’uuliyiinta dhaawaca ah.

May be an image of 6 people

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ay dhinac socdaan Wasiirro katirsan Xukuumaddiisa ayaa ka mid noqday madaxda sare Dowladda ee booqday dadka dhaawacmay oo uu kamid yahay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale.

May be an image of 7 people and dais

Ku simaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim oo u tagay bukaannadaan waxa uu u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

May be an image of 3 people and hospital

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarka Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa dhimashada ku sheegay 3 Askari halka ay dhaawacmeen 27 ruux oo 18 kamid ah Shacab.

Like it? Share it!

Leave A Response