Maxaa sababay in Shirkadaha Gawaarida ee Uber iyo Lyft ay ku dhawaaqaan hakinta adeegyada Minneapolis?

by admin | Saturday, Mar 16, 2024 | 45 views

Shirkadaha Uber & Lyft ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan adeeggooda Minneapolis marka la gaaro 1da Bisha shanaad ee May sanadkaan 2024 kaddib markii Golaha Magaaladaas uu ansixiyay sharci shirkadahaan ku khasbaya in ay mushaarka ugu hooseeya siiyaan wadayaasha.

Mas’uuliyiinta shirkadahaan ayaa sheegay in aanay wanaagsanayn in sharcigaan la dhaqangeliyo maadaama Dad badan ay ku nool yihiin xirfaddaan iyaga oo ka maareeya nolosha reerahooda iyo dad kale oo ku xiran.

Golaha deegaanka ee Minneapolis ayaa Codayn uu sameeyay ayaa 10-3 waxa ay u codeeyeen in meesha laga saaro diidmada qayaxan ee duqa Magaaladaas Jacob Frey iyada oo la hubinayo in darawallada magaaladu ay helaan $15.57 saacaddii.

“Waan ka niyad jabnay in golaha deegaanka Minneapoilis uu doortay inuu iska indhatiro xogta oo uu Uber ka saaro magaalooyinka mataanaha ah, isaga oo 10,000 oo qof ka dhigay shaqo la’aan iyo in qaar badan oo kale ay xayiran yihiin” ayay tiri shirkadda Uber.

Dhanka kale shirkadda Lyft ayaa ku tilmaantay sharcigan “mid aad u khaldan” iyada oo sheegtay in ay rajaynayso in ay ku soo noqoto Minneapolis maadaama ay ku baaqayso xal gobolka Minnesota oo dhan ah.

Wadayaasha Shirkadaha Uber iyo Lyft ayaa dhowaan sameeyay dibadbax xooggan iyaga oo dalbaday in helaan mushahar caddaalad ah iyo xaalad shaqo oo caddaaladda ku salaysan sida ay ku doodeen wadayaasha.

Like it? Share it!

Leave A Response