Madaxweynaha Galmudug oo safar dhulka ah ku tagay Cadaado

by admin | Friday, May 14, 2021 | 297 views

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, isagoo ka ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka ambabaxay Dhuusamareeb ayaa waxaa galbiyay kolonyo ciidan ka tirsan kuwa Galmudug oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka.

Waxaa soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada.

Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Cadaado ayaa la xiriira u kuurgelida xaalada deegaanka, mida nololeed iyo amniga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa inta uu joogo Cadaado waxaa uu kulamo is xog wareysi la qaadan doonaan maamulka deegaanka odayaasha, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Degmada Cadaado ayaa masaafo ahaan u jirta Dhuusamareeb illaa 77KM, waddo laami ah ayaa saaran, inkastoo meelo qaar ay burbursan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response