Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka digay in dastuurka Soomaaliya wax laga bedelo ay keeni karto in la kala tago.

by admin | Friday, Apr 12, 2024 | 27 views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka digay in wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya uu horseedo kala qeybsanaan dalka. Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kaligiis mas’uul ka noqon doono haddii kala qeybsanaantaasi dhacdo.

Digniintan ayaa timid kadib markii Puntland ay ku dhawaaqday inay doonayso inay si iskeed ah ugu shaqeyso, waxaana tallaabadan ay ka dambeysay markii Muqdisho ay ku ansixiyeen wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya oo ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa ku doodaysa in hannaanka wax ka bedelka dastuurka uu ahaa mid aan lagala tashan dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, waxa ayna dhaleeceysay habraacaas oo dhan oo ay ku tilmaantay mid hal dhinac ah.

Codeynta ka dib, dowladda Puntland ayaa wufuud u dirtay dalka Itoobiya, si ay ugala hadlaan wada shaqeyn qoto dheer oo dhexmarta maamulka Puntland iyo Itoobiya, taasoo ka careysiisay dowladda Federaalka, gaar ahaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay maamulka la baxay Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale dhaliishay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xirtay qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay in arrimaha gudaha aysan u horseedin in qaranka uu raadiyo faragelin shisheeye. Wuxuu ku celceliyay in dowladda ay ka go’an tahay dhaqan gelinta wax ka bedelka dastuurka Soomaaliya ee dhawaan lagu sameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response