Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo maanta tagaya degmo katirsan gobolka Gedo

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 205 views

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in ay gaaraan degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ka socota degmada Luuq, waxaana halkaasi horey usii gaaray masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku sugan degmada Luuq.

Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, waxa ayna masuuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.

Gobolka Gedo degmooyinkiisa kale ayaa wali diidan in ay la shaqeeyaan maamulka Jubbaland, waxaana horey qaar kamid ah degmooyinka Gedo loogu diiday in ay tagaan masuuliyiin gobolka Gedo u magacaabay Axmed Madoobe.

Like it? Share it!

Leave A Response