Ciidanka mucaaradka Puntland oo beeniyay inay Garowe ka wadaan dhaqdhaaqyo ciidan

by admin | Monday, Jul 17, 2023 | 154 views

Taliska ciidanka Danab ee Puntland ayaa beeniyay inay wadaan dhadhaqaaqyo ciidan oo mar kale sababi kara inuu dagaal ka dhaco magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Bayaan kooban oo xalay kasoo baxay Danab ayaa lagu sheegay in aan dadka lagu barakicin warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Hadalka taliska ciidanka Danab kasoo baxay ayaa kusoo aaday, xilli cabsi laga qabay in labataanka bisha oo ku beegan marka uu baarlamaanku wax ka beddelayo dastuurka, ay horseedo gacan ka hadal mar kale ka dhaca magaalada Garowe.

Weli wax heshiis ah lagama gaarin khilaafka ka taagan arrimaha doorashada. Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya inuu dastuurka la furo, xilli siyaasiyiinta mucaraadka iyo madaxdii hore ee dalka ay ku baaqeen in laga feejignaado furista dastuurka, in doorashadu ay dhaafto 8 january.

Dadka Puntland ayaa welwel weyn ka muujinaya in heshiis la’aanta mucaaradka iyo maamulka ay horseedi karto in Puntland colaad lugaha la gasho.

Inkastoo ay socdaan dadaalo wax ku ool ah oo lagu baajinayo wax kaste oo keeni kara gacan ka hadal.

Like it? Share it!

Leave A Response