Madaxweyne lagu dilay gudaha itobiya kadob rabshado halkaasi ka dhacay

by admin | Sunday, Jun 23, 2019 | 731 views

Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa afgambi fashilmay iyo rabshado ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada.

Warbaahinta gudaha ayaa shaacisay in la dilay Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare, kuwaas oo ay toogteen rag hubeysan.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale saaka xaqiijiyay in rabshadahaasi lagu dilay  taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen.

Wara qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul wasaaruhu ayaa waxa uu ku cambaareeyay afgambiga dhicisoobay iyo toogashadaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya.

Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo.

Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay.

Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response