Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo Wasiiro

by admin | Saturday, May 20, 2023 | 278 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Jedah kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala-Sucuud iyo Wasiiro katirsan dalkaas.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleendib u eegista lagu sameeyay xirirka iskaashi ee labada dal, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan ee labadal dal iyo taageero Sacuudigu siiyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiradii ugu badnaa ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana ka mid ahaa: Wasiirka Tamarta Amiir C/casiis Bin Salmaan Bin C/casiis, Amiir Turki Bin Muhammad bin Fahad bin Abdulaziz Wasiiru Dowlaha iyo Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada, Amiir C/casiis Bin Turki Bin Faysal Bin C/casiis Wasiirka isboortiga; Amiir C/casis Bin Sacuud Bin Nayef Bin C/casis Wasiirka Arrimaha Gudaha, Amiir Cabdalla Bin Bandar Bin C/casiis Wasiirka llaalada Qaranka, Amiir Khaalid Bin Salmaan Bin C/casiis iyo Wasiiro kale.

Xasan Sheekh ayaa madaxda Carabta u sheegay in horaanta sanadka 2024-ta ay Soomaaliya ku dhawaaqi doonto inay ka xorowday Al-Shabaab iyo cid kasta oo lidi ku ah amniga dalka.

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya iy

Like it? Share it!

Leave A Response