Magacyada Xildhbaano laga joojiyay ka qeyb galka kulamada Golaha Shacabka{Akhriso:-}

by admin | Sunday, Mar 28, 2021 | 317 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa shaaciyay liiska 15 xildhiban, kuwaas oo laga joojiyay ka qeyb-galka kulamada soo socda ee Baarlamaanka mudada xilheyntooda uu dhamaaday.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha oo la ogeeysiiyay, Madaxa Habdhawrka Golaha Shacabka, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ha Ciidanka Amniga Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 kulan aysan iman Karin 15 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhbaannadaan ayaa sababaha looga joojiyay ka qeyb-galka 5 kulan ee golaha Shacabka ayaa waxaa lagu sheegay inay ishor-istaag ku sameeyeen furitaanka kulankii shalay ee Golaha Shacabka kaas oo uu buuq ka dhashay.
Anigoo tixraacay warqada sumadeedu tahay GSH003/B-10 /12/21 ee lka soo baxday Xafiiska Habdhawrka Golaha ee ku taariikhaysan 27/3/2021, waxaan si waafaqsan warbixinta Habdhowraha, xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yahay ee horjoogsigga ku sameeyey fadhiga Golaha 27kii Maanso 2021 laga joojiyey shan (5) fadhi laga bilaabo taarikhda warqadan iyaga oo ku xadgudbay Qodobka 16aad (), , Qodobka 18aad faqrada (a), (b), Qodobka 19aad faqrada 1aad (b), , (d), ), (O, ( iyo Qodobka 28aad faqrada 5aad iyo Qodobla 4aad ee Xeerhoosaadka Golaha. Xubnaha kale ee soo saadiray fadhiga Golaha ee si ku talagal ah u saxiii waayey maxdarka si ay hor istaag ugu sameeyaan guntanka waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha in uu magacyadooda u soo gudbiyo Guddoomiyaha si waafaqsan qodobka 23aad faqrada 16aad.
Xildhibaannada fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka uu guddoonka Golaha kajoojiyay ayaa waxaa Magacyadooda ay kala yihiin.
Xil. Elmi Mohamed Nur
Xil. Hussein Qasim Yusuf ldow
Xil. Mustaf Sh Ali Dhuhulow
Xil. Abdulahi Mohamed Nur
Xil. Mahad Maxamed Salaad
Xil. Abdirasaq Omar Mohamed
Xil. Mohamud Abdirahman Beene beene
Xil. Mohamed Ali Omer
Xil. Faisal Abdille Guled
10.Xil. Abdullahi Yusuf Hassan-Alankey
11.Xil. Abdirashid Mohamed Xidig
12.Xil.Jibril Abdirashid Haji
13.Xil. Mohamed Ahmed Abtidon
14.Xil. Sadiq Hirsi Warfa
15.Xil Hassan Abdi lsmail- Hassan Yare
Xildhibaan Sadiiq Xeri Warfaa oo kamid ah Xildhibaannada fadhiyada laga joojiyay ayaa sheegay in Go’aanka uu qaatay guddoomiyaha uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aysan amarkiisa u hoggaansami doonin ayna tegi doonan Kulamada.

Like it? Share it!

Leave A Response