Maraykanka oo sheegay inuu 5 katirsan Alshabaab ku dilay duqayn ka dhacday Galgaduud

by admin | Thursday, Jul 20, 2023 | 96 views

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa weerar ka dhan ah kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaan u dhow halka loo yaqaan Hareeri Kalle, oo qiyaastii 15 KM dhanka koofureed kaga beegan degaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa lagu taageerayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay la dagaalameen kooxda Alshabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICCOM ayaa lagu sheegay in qiimaynta bilowga ah ee weerarkan uu sheegayo, in lagu dilay 5 ka tirsan Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Taliska Afrika ayaa sheegay inuu qaadayo tillaabooyin waa weyn oo looga hortagayo waxyeelada rayidka, maadaama dhowr goor oo hore ay hay’adaha xuquuqul insaanku sheegeen in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha uu Maraykanku ka geysto gudaha Soomaaliya.

Taliska Maraykanka Afrika waxa uu sheegay inuu sii wadi doono tababarida, la talinta iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin, si loo wiiqo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response