Maraykanka oo xalay duqayn ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay gobolka Gedo

by admin | Friday, Oct 8, 2021 | 232 views

Dowladda Maraykanka ayaa xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu jiro khasaare xooggan oo gaaray Alshabaab.

Duqeynta oo laga fuliyay meel u dhow magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab lahaayeen oo ay u adeegsan jireen weerarada ka dhanka ah ciidamada huwanta ah.

“Argagixisada waxaa soo gaaray jab xooggan,” ayaa lagu yiri warbixin kooban oo kasoo baxday taliska ciiddanka xoogga dalka, sida lagu qoray wakaaladda wararka Xinhua oo aan warkan kasoo xiganay.

Khasaaraha dhabta ah ma cadda laakiin hawlgallo amni sugid ah oo ay dhowaan sameeyeen ciidamada isbahaysanaya ayaa lagu xoreeyay deegaanno dhowr ah oo katirsan gobolka Gedo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxda Alshabaab oo ku aadan duqeyntii xalay ka dhacday gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response