Kenya oo diiday go’aanka Maxkamadda ICJ kasoo saareyso Dacwadda Badda

by admin | Friday, Oct 8, 2021 | 239 views

Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday go’aanka lagu
wada inay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee
ICJ kasoo saarto Kiiska Dacwadda Badda ee
Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonin
Go’aanka Maxkamadda ICJ kasoo saari doonto
Dacwadii ay Soomaaliya geystay Maxkamadda ee
Muranka Xuduudka baddda ee Soomaliya iyo
Kenya oo dacwadiisa soo bilaabtay sanadkii 2014.

Xogahayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa shaaciyey in Dowladda Kenya aysan aqoonsan doonin xukunka Maxkamadda, una hoggaansami doonin wixii ka soo baxa, xilli lagu wado inay maxkamadda go’aankeeda ka soo baxdo Talaadada toddobaadka soo socda.

Kamau ayaa ku dooday in maxkamaddu aysan
lahayn awood ay ku go’aamiso muranka xududka
badda, ayna ka cabanayaan in maxkamaddu ay si
cad u eexatay sidaas darteedna aysan ku
habboonayn in la xaliyo khilaafka.

Xoghayaha ayaa ku celiyey in dowladda Kenya ay
rumeysan tahay in khilaafka lagu xaliyo wadahadal
nabadeed. Wuxuuna intaas ku daray in dacwaddu ay tahay isku day ay Soomaaliya ku doonayso inay ku xad gudubto madaxbannaanida dhuleed ee dalka oo ah isku day bilaabmay 1969kii.

Waxaa shirka jaraa’id ku wehliyey taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Kenya Ogola, garyaqaanka guud Kennedy Ogeto iyo Xoghaye lbrahim Mohamed. Waxaana muuqata inay Kenya awood adeegsan doonto.

Xukunkan ayaa la filayaa inuu soo afjaro dacwadii
badda ee todobada sano ahayd ee ay Soomaaliya u gudbisay ICJ sannadki 2014-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response