Mareykanka oo ka hadlay weerarkii Awdheegle

by admin | Thursday, Dec 6, 2018 | 1267 views

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Habeen hore lagu qaaday Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom, ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah xarakada AL-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamo iskaashanaya uu ka dambeeyay kaddib markii Mareykanka iyo ciidamada saaxiibada ah ay la kulmeen weerar islamarkaana uu weerarka Awdheegle ahaa is difaacid.

Waxaa uu sheegay in uusan jirin khasaare ka soo gaaray dad rayid ah,hayeeshee ay ku dhinteen afar xubnood oo ka mid ah AL-shabaab.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in uu sii wadayo weerarrada ka dhanka ah AL-shabaab ee bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, si Al-shabaab looga ilaaliyo in ay helaan goobo amaan ah oo ay ku diyaarin karaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Mareykankuba.

Like it? Share it!

Leave A Response