Mareykanka oo Soomaaliya u ballanqaaday xoojinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’{sawiro}

by admin | Tuesday, Oct 24, 2023 | 123 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ay kawada hadleen dardargelinta dagaallada ka dhanka ah ‘AS’, Xoojinta iskaashiga & arrimaha howlgallada.

Wafdiga Mareykanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dhageystay warbixin la xiriirta howlgallada socda, abaabulka Dowladda ee wajiga labaad, dhammaystirka qaybta 1aad iyo in adeegyada Bulshadu u baahan tahay laga hirgeliyo Deegaannadii ‘AS’ Laga qabsaday.

May be an image of 4 people, the Oval Office and text

Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon & Taliyaha Howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya Col. David J.Haskell ayaa wadajir u sheegay in Washington ay bogaadineyso howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka & kan Ciidamada Lugta oo uu kala hadlay dardargelinta howlgallada socda si looga gungaaro.

May be an image of 4 people and dais

Waxa ay gudbiyeen xogihii ugu dambeeyay ee natiijada howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo diyaargarowga ka socda deegaannada weli ka maqan gacanta Dowladda Federaalka iyada oo ay iskaashanayaan Ciidamada & Shacabka.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones-ka) ayaa dhowr jeer ka qaybgalay howlgallada looga soo horjeedo ‘AS’ iyaga oo duqeeyay deegaanno kala duwan oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response