Maxaad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada Mareykanka ee maanta iyo saadaashii ugu dambeysay?

by admin | Tuesday, Nov 3, 2020 | 361 views

Dadweynaha Mareykanka ayaa intooda ugu dambeysay maanta u dareeraraya goobaha cod-bixinta, ayaga oo dooranaya madaxweynaha xiga ee dalka ee afarta sano ee soo socota.

Waxaa xilkan ku loolamaya madaxweynaha iminka talada haya Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenkii hore Joe Biden, oo ay soo xusheen xisbiga Dimoqraadiga.

Inkasta oo doorashada rasmiga ah ay maanta dhaceyso, haddana 100 milyan oo qof oo Mareykan ah ayaa ka faa’iideystay codeynta xilliga hore oo socotat muddo ku dhow bil, taasi oo macnaheedu yahay in 70% dadka ay codeeyeen.

Codadka ra’yi uruurinta ah ee la sameeyo ayaa muujinaya in tartanka u uku horreeyo Joe Biden, isaga oo Trump ka horreeyey qiyaasti 8%, oo heerka taageeradooda uu la eg yahay 52-44, hase yeeshee nidaamka Mareykanka ay wax ku doortaan oo ka duwan caalamka kale ayaa macnaheedu yahay in doorashadu ay intaas ka dhowdahay.

Mareykanka madaxweynaha waxaa lagu doortaa nidaam loo yaqaan “Electoral College” oo ka kooban 538 codeeyayaal ah, ayada oo gobol walba uu leeyahay tiro u dhiganta shacabka ku nool, waxaana madaxweynaha ku guuleysta musharaxa hela 270 electoral.

Waxaa jira gobollo inta badan u codeeya Dimoqraadiga, kuwa u codeeya Jamhuuriga, iyo gobolo aan dhinacna u badneyn oo marba meel u janjeera, kuwaas oo ah kuw ago’aamiya cidda madaxweynaha noqoneysa. Gobolladaas ayaa sanadkan kala ah; Florida, Pennsylvania, Ohio, North Carolina, Michigan, Wisconsin, Arizona, Georgia, iyo Nevada.

Sidaas darteed inkasta oo Trump guud ahaan dalka laga horeeyo 8 dhibcood marka la eego ra’yi ururinta, haddana gobollada wax go’aamiya ayaa tartanka intaas aad isaga dhow yahay, waxaana macquul ah in Trump haddii uu gobolladaas ku adkaado uu madaxweyne noqdo, si la mid ah doorashadii 2016.

Saadaasha la sameeyey waxay muujineysaa inay jirto rajo ah in 90% uu tartanka ku adkaan doono Biden, hase yeeshee 10% ayaa macnaheed uu yahay in Trump uu weli uu haysto rajo kooban.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in codadka ra’yi ururinta ee gobollada loolanka adag uu ka socdo ay qaladaad ku jiraan, oo ay dhayalsanayaan heerka taageerada Trump, si la mid ah sidii dhacday 2016, markaasi oo ra’yi ururinta ay muujineysay in Clinton ay ka horresay Trump, balse markii la codeeyey uu ka guuleystay.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah inay muhiim tahay in taageerayaasha labada dhinac ay codeeyaan. Si kasta oo dad badana ay u muujiyaan inay taageerayaan musharax gaar ah, haddana haddii aanay soo bixin oo aysan codkooda dhiiban, taageeradaas wax macno ah kuma fadhiso.

Waa taas sababta maalmihii tegay uu olole xooggan oo dadka loogu sheegayo inay codeeyaan ay uga socday gobollada aan dhinacna jirin, gaar ahaan gobolka Pennsylvania oo leh 20 ka mid ah 538-ka cod, kaasi oo ciddii ku adkaataa ay u badan tahay inay noqon doonto madaxweyne.

Ugu dambeyntii, saadaashu waxay u badan tahay in Biden badin doono, balse rajo yar ayuu Trump leeyahay, taasi oo macnaheedu yahay in wax kasta ay dhici karaan.    

Like it? Share it!

Leave A Response