Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK?

by admin | Tuesday, Oct 11, 2022 | 287 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly ayaa khadka isgaarsiinta kaga wada hadlay, qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xiriirka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK ayaa qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka, isagoo sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian ayaa sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii lag guda jiray wada-hadallada waxaa uu dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dar dar geliyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taagero u raadinaya howlgallada bilaawday ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo safari uu ku tegay dalalka Itoobiya & Uganda uu ka dalbaday in laga caawiyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response