Maxay tahay sababta uu isku casilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS?

by admin | Thursday, Feb 23, 2023 | 244 views

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradda ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Fardowso Cusmaan Cigaal.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.”

Dhanka kale Warqad qoraal ah uu u qoray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayuu ku sheegay in khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Wasiirka uu salka ku hayo habka loo bixiyo qandaraasyada garoonka diyaaradaha Caalimiga ee Aadan Cadde, kaas oo ku yaal Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Marka aan arkay sida joogtada ah shaqaalaha waajibaadkooda gudanaya ay u ceyrisay, xilkana ugu qaaday si aan sharciga dalka waafaqsaneyn, Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo Hay’adaha hoosyimaada si ay ugu badalato dad aan ku habooneyn laguna soo xushay dano gaar ah”  sida uu yiri Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug).

Like it? Share it!

Leave A Response